release date: June 10, 2025
Seattle Public Library waxay aad ugu faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo balaarinta weyn ee barnaamijyadeeda barashada luuqada Ingiriisiga ee lacag la'aanta ah labada sano ee soo socota. Balaarintan waxaa lagu maalgelin doonaa deeq $450,000 oo ay bixisay Carnegie Corporation of New York oo ay siinayso The Seattle Public Library Foundation.
Deeqdan ayaa la filayaa inay ka caawiso Maktabadu inay bixiso waxbarasho luuqadeed iyo barnaamijyo dhijitaal ah, oo ay ku jiraan:
“Maalgalinta Carnegie Corporation ee maktabadaha dadwaynaha waa mid wakhtigeeda ku haboon,” ayuu yiri Tom Fay, Madaxa Shaqaalaha Maktabada ee The Seattle Public Library (SPL). “Waad ku mahadsan tihiin deeqdan deeqsinimada leh, waxaan awood u yeelan doonaa inaan bixino barnaamijyo badan oo ka caawiya soo galootiga Seattle iyo qaxootiga inay raacaan hadafkooda kana qaybqaataan dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee magaaladeena.”
Barnaamijyada barashada luuqada Ingiriisiga waxaa hada laga bixiyaa laamaha Beacon Hill, Broadview, Delridge, Lake City, NewHolly, Northgate iyo Rainier Beach ee The Seattle Public Library.
Maktabadu waxay bilaabi doontaa inay bixiso dhawr barnaamij oo cusub laga bilaabo dayrtan. Waxay ku dari doontaa xitaa barnaamijyo badan mudada deeqda labada sano ah.
Barnaamijyada waxaa lagu dari doonaaCentral Library, iyo laamahaInternational District/Chinatown, High Point, South Park iyo Southwest. Barnaamijyada qaar ayaa laga heli karaa khadka onlayn, qaarna barnaamijyada qof ahaaneed ayaa bixin doona daryeel caruur oo lacag la'aan ah si ay ugu fududaato waalidiinta inay xaadiraan. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyadan ayaa la heli doonaa bilawga dayrta.
Si loo bixiyo barnaamijyadan, SPL waxay iskaashi la samaysaa ururo deegaanka ah oo la aamini karo, sida Evergreen Goodwill, Hopelink, Source Literacy, Seattle Colleges, iyo Villa Comunitaria.
Wax badan ka ogaw oo ku saabsan boga Waxbarashada Dadka Waaweyn ee Maktabada. Barnaamijyada qaar ayaa lagu qori doonaa jadwalka taariikhda barta www.spl.org/Calendar.
Deeqda la siiyay Seattle Public Library Foundation waa qeyb kamid ah hindisa Carnegi ee “ Maktabadaha waa Udub-dhexaadla Waxbarashada iyo Dimuqraadiyadda", kaas oo ugu deeqa $5 milyan ilaa 11 maktabadood oo ku yaal sagaal gobol.
Waxyaabaha ku saabsan Carnegie Corporation of New York
Carnegie Corporation of New York waxay ka shaqeysaa in ay yareyso kala-soocitaanka siyaasada iyada oo loo marayo taageerada samafalka ee arimaha ay u Carnegie tixgaliso kuwa ugu muhiimsan: waxbarashada, dimuqraadiyadda, iyo nabada. Carnegie waxay ahayd mid kamid ah deeq bixiyayaasha ugu wayn ee maktabadaha. carnegie.org/libraries.