(How do I get started?)
Kaalay oo qaado karaka maktabada! Waan dhib yaraynay! Ku Buuxi dalabka karaka Maktabada afkaaga oo maantaba qaado karaka Maktabada oo bilaash ah. Haddii aad ku nooshahay, ka shaqayso ama ka dukaansato Degmada King (jiidda adeegayada), waxaad u qalantaa kaar bilaash ah.
Ma hubo waxa ay Maktabadu hayso? Markaad soo dhexgasho Maktabada, calaamadahayaga ayaa kaa gargaari doona meesha aad aadayso. Shaqaalahayaga ayaa u heelan inay ku gargaaraan. Amaba fiiri buuga tusmada Maktabada ee Internetka. Waxa ku taxan wax kasta oo yaal. Waxaan haynaa in ku dhaw ilaa 2,000,000 oo shay (walax)!
Ma rabtaa inaad Kaydsan buug adoo gurigaaaga jooga? Haddii buuga aad rabtaa maqan yahay, waa ka sii kaydsan kartaa internetka ama haddii aad soo wacdo laanta xaafadaada ama Borrower Services Department (Waaxda Adeegyada Daynsiga) ee 206-386-4190. Waxaad u baahan tahay lambarka karaka Maktabada. Badi waxyaabaha aad rabtid waxa la geyn karaa goobta laantu ku taal si aad uga qaadato laanta kuugu sahlan.
Markaad hesho alaabta aad rabtay waa inaad sajisho inaad la baxayso. Ama tus qof shaqaale ah oo kaa gargaara ama isticmaal saldhigayadada sahlan ee “self-check out” (iskaa isu-adeega ah).
Marka ay taagan tahay wakhtigii la soo celin lahaa shay, waxaad isticmaali kartaa mid ka mid ah “bookdrops” (meesha buugta lagu rido) oo laga helo dhamaan qaybooyinka maktabada. Badi waxay furan yihiin 24 saac maalintii.