(What is a library all about?)
Maktabadu...Waa meel wax lagu akhriyo, barto, oo lagula kulmo asxaab. Meel lagu madadaasho.
Maraykanka gudihiisa, bulsho kastaa waxay leedahay maktabad dadweyne. Maktabaduhu waa meelo lagu siiyo adeegyada bilaashka ah qof kasta oo ka mid ah bulshada. Maktabada, waxaad ka deynsan kartaa buugaag iyo aflaam, Ama aad isticmaali kartaa kombuyuutarka si aad u fiiriso emaylkaaga ama u eegto Internetka, casharo uga qaadatid kumbuyuutarka, Ingiriisi ama muwaadinimo, iyo waxyaabo badan oo kale - oo dhamaan bilaash ah! Waayo? Waxaan aaminsanahay furnaanta iyo helitaanka macluumaadka bilaashka ah in ay tahay u daruuri dimuqraadiyada qarankeena.
Maktabada waxa ka buuxa fikrado, macluumaad, waxqabadyo iyo adeegyo. Dadka ka shaqeeya maktabadu waxay leeyihiin naxriis iyo taageero oo waxay u heelan yihiin inay ku gargaaraan. Waxay halkan u joogaan inay ka jawaabaan su’aalahaaga oo ay ku siiyaan adeegyada iyo macluumaadka aad u baahan tahay.
Booqashada maktabadu waa raaxo! Waxaan leenahay 28 qaybood oo kuu adeega. Kaalay oo fiiri dhismaha yaabka leh iyo shaqada farshanxanimo ee ku yaal qaybaha badan, sida jaranjarada socota ee hadlaysa,120 koobabka shaaha oo saran gidaar, iyo saqaf ay ku daboolan tahay dhir!
Waxa kale oo jira waxyaabo badan oo aad ka qaban karto Maktabada gudaheeda oo aanad malayn karin!
Jadwalkayaga ee maktabada (oo ingiriisi ah) waxa ka buuxa waxqabadyo xiiso leh, oo aad wax ka baran karto oo kuna raaxaysan karto isla marahaantaas. U soo kaxayso qoyskaaga, asxaabtaada iyo jiiraankaaga Maktabada oo ku raxayso muusiga, qoob-ka-ciyaarka iyo barnaamijyada kale ee dhaqanka. Haddii aad rabto inaad ogaato wax yaabaha ka socda maktabada, way sahlan tahay… Na warso! Waxa kale oo aad ka heli kartaa jadwalka internetka ee dhacdooyinka oo Ingiriisi ah ama joogtayso in laguugu soo diro email jadwalka toddobaalaha ah oo Ingiriisi ah oo taxaya dhacdooyinka soo socda.
Dhamaan waa bilaash - Maktabadaada!